Ciidanka guutooyinka qaraxyada mujaahidiinta oo si dardar leh u wada howlgallada ka dhanka ah madaxda Riddada ayaa qarax barakaysan oo ay ka fuliyeen gudaha degmada Qansaxdheere ee Baay la beegsaday guri uu leeyahay mid ka mid ah saraakiisha kooxda Riddada Soomaaliya ee ku sugan degmadaas.
Guriga la qarxiyay waxaa lahaa sarkaal ashahaada la dirir ah oo magaciisa lagu soo koobay Sanka, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxaasi ku dhintay laba askari oo lagu kala magacaabi jiray Aadan Macalin Cali iyo Maxamed Nuur.
Qaraxan maanta ka dhacay degmada Qarsandheere ee gobolka Baay, ayaa kusoo beegmaya xilli howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen duleedka deegaanka Cammara ee wilaayada Mudug lagu dilay 8 askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay 4 kale, kuwaas oo dhaawacyadoodu yihiin kuwa garaab ah.