Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay muuqaalka askari towbad keen ah oo kasoo goostay maleeshiyaadka murtadiinta ee qaybta ka ah maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Koonfur galbeed, kaasi oo soo dhawayn loogu sameeyay deegaannada wilaayada islaamiga ah ee Baay.
Towbadkeenkan oo lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Cismaan ayaa soo muuqday isagoo wata hubkiisa xiranna dareeskiisa ciidan, wuxuu muuqaal baahiyaha Kata’ib u sheegay in muddo shan sano uu ka tirsanaa maleeshiyaadka maamulka Riddada Koonfur galbeed, dhibaatooyin badana oo uu la kulmayna uu ugu dambayn go’aansaday in uu ka tago falkii gaalnimo ee uu dhex maquuranayay, Allaahna uu dib u waafajiyo in uu soo haleelo safka muslimiinta, si fiican ayuu sheegay in loogu soo dhaweeyay deegaannada maamulka islaamiga ah ee wilaayada Baay.