Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ee Centcom loo yaqaan ayaa bayaan ay gelinkii dambe ee maanta soo saareen ku sheegay, in maleeshiyaadka Xuutiyiinta gantaal ballistic ah ku beegsadeen markab wayn oo uu Maraykanku leeyahay.
Centcom ayaa si gaar ah u xustay in gantaalka maleeshiyaadka Xuuthiyiinta uu ku dhacay markabka Gibraltar Eagle, oo ah markab konteenar ah oo ka babanaya calanka jasiiradaha Marshall, oo ah jaziirad laga maamulaa Maraykanka.
Labo ka mid ah hay’adaha ammaanka badda ee dowladda Ingiriiska ayaa goor sii horreysay oo maanta ah sheegay in gantaalka Xuuthiyiinta uu ku dhacay markab laga leeyahay waddanka Mareykanka, kaas oo ku sugnaa koonfur bari ee xeebta magaalada Cadan ee waddanka Yemen.
Weerarkan ayaa noqonaya weerarkii 2-aad oo saacado gudahood ay Xuuthiyiintu ku beegsadaan maraakiibta laga leeyahay Maraykanka ee ku socdaala xeebaha Yeman, waxayna weeraradan kusoo beegmayaan xilli dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska oo iskaashanaya ay duqaymo xooggan ku beegsadeen magaalooyin ay maamusho kooxda Xuuthiyiinta ee ku xiran Iiraan.