Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar habeen dheelmad ah oo ciidamo isugu jiray Maraykan iyo maleeshiyaadka mutazaqada u ah ee Bangaraafta ay ku qaadeen deegaanka Farsooley ee hoostaga degmada Tooratoorow ee wilaayada Sh/hoose.
Weerarkan habeen dheelmadka ah waxay ciidanka saliibiyiinta Maraykanka iyo kuwa Danab ku dileen 4 qof oo shacab ah, halka ay dhaawaceen Nin nabaddoon ah oo odayaasha deegaanka ka mid ah, halka ay afduubteen dad shacab ah iyo gaari caasi ah oo dad shacab ah ay lahaayeen.
Idaacadda Al-andalus ayaa la kulantay nabadoonka ku dhaawacmay weerarka ay qaadeen ciidamada saliibiyiinta Maraykanka iyo murtazaqadooda Bangarafata ee ay ku beegsadeen dadka shacabka ah, wuxuu nabaddoonkaasi sheegay in dadka la laayay ay isugu jiraan ganacsato iyo beerallay.