Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay muuqaalka isku soo bax wayn oo ka dhacay degmada Buulo-fulaay ee wilaayada islaamiga ah ee Baay, kaas oo dadka muslimiinta ah ay ku diidan yihiin heshiiskii dhagarta ahaa ee uu Muuse Axmaar Itoobiya ku siiyay qaybo ka mid ah badda Soomaaliya.
Muuqaalka ayaa lagu soo qaadanayaa kalimaad kala duwan oo ay goobta uu isku soo baxa ka dhacay ay ka jeediyeen culimo iyo waxgarad, waxaa sidoo kale dhinac socda muuqaallada bulshada reer Buulo-fulaay oo si adag uga hadlaya heshiiskii xaaraanta ahaa ee Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.