Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in shil diyaaradeed oo khasaare dhaliyay uu ka dhacay dagmada Ceel-barde oo ka mid ah degmooyinka gobolkaasi Bakool.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa soo wariyay in diyaaradda shilka gashay ay u rarneyd hay’adda urur gaaleedka QM u qaabilsan waxay ugu yeeraan cuntada adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo (WFP), waxayna diyaaraddu kasoo kicitantay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaasi ku dhintay duuliyihii diyaaradda iyo qof kale, waxaana diyaaraddaasi la socday afar xubnood oo ka tiran ka tirsan shaqaalaha hayadda WFD ee hoostagta Qaramada Midoobay.
Shilkan diyaaradeed ayaa lasoo wariyay in uu yimid kaddib markii diyaaradda ay ku timid cillad, taasoo keentay inay u bixi waayeen taayarada xiligii ay degi lagayd, waxayna sidaas ugu dhacday dhisme u dhow garoonka, sawirro lasoo qaaday ayaana muujinayay in diyaaraddu ka burburtay qaybaha hore ee diyaaradda.