Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay muuqaal cusub oo lagu soo bandhigayo isku soo bax wayn oo ka dhacay degmada Tiyeegloow ee wilaayada islaamiga Bakool, kaas oo dadka muslimiinta ah ay ku diidan yihiin heshiiskii dhagarta ahaa ee uu Muuse Axmaar Itoobiya ku siiyay qaybo ka mid ah badda Soomaaliya.
Muuqaalka inta uu socdo waxaa ku lifaaqan oo lagu soo qaadanayaa kalimaad ay goobta uu isku soo baxa ka dhacay ka jeediyeen odayaal iyo bulshada reer Tiyeeglow oo si adag uga hadlaya heshiiskii xaaraanta ahaa ee Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.