Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Mareykanka ayaa sheegay in labadii askari ee ka tirsanaa ciidamada badda ee xukuumadda Washington oo bishan aan ku guda jirno lagu waayay gacanka cadmeed aan la helin meel ay jaan iyo cirib dhigeen, waxayna sheegeen in askartaasi ay u diiwaan geliyeen inay dhinteen.
Taliska ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu yahay mandiqada loo bixiya bariga dhexe ee magaciisa loo soo gaabiyo CENTCOM ayaa bartiisa gaarka ah ee X kusoo daabacay xog ku aaddan in la waayay xubnahaasi ka tirsanaa ciidanka mariiniska Maraykanka, kaddib markii ay dabagaleen markab laga leeyahay dalka Iiraan.
15-kii January, ayay ahayd markii Washington Post oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ay sheegtay in labada askari ee dhimashada loo diiwaan geliyay ay markabkaasi Iiraaniga ka baadi goobayeen shixnad hub ah oo ay sheegeen inay u socotay dhanka kooxda Xuutiyiinta ee fadhigeedu yahay Yemen.