Subaxnimadii hore ee Talaadada maanta sarakiisha ugu sareysa ee dhanka maamulka iyo ciidamada gumeystaha Yahuudda, ayaa qaylo dhaan afka furtay, iyagoo muujiyay xanuunka iyo uurku taallada ay ka qaadeen dilka 24 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo askar Sahaayano ah, oo saacado kooban looga dilay gudaha marinka Gaza.
Saraakiishan iyo askartan 24-ka xubnood ka kooban, waxaa 21 ka mid ah la hubiyay inay ku dhinteen hawlgal ay fuliyeen kooxaha wax iska caabinta, kaas oo ka dhacay xerada Al-maghaazi ee dhacda bartamaha marinka , kaasoo lagu tilmaamay midkii ugu darnaa tan iyo markii uu bilowday duulaanka dhulka ee ciidankan kusoo galeen Gaza.
Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Binyamin Netanyahu oo ka xanuunsanayay weerarkaas ayaa yiri ”Shalay waxaa ina soo maray mid ka mid ah maalmihii ugu adkeyd tan iyo markii uu dagaalku qarxay, waxayna ciidamadu billaabeen baaritaanno ku aaddan masiibada dhacday”.
Madaxweynaha maamulka Yahuudda Isxaaq Horzog ayaa isagana ku dareen hadlay sida tan” Waa subax aad u adag in loo dulqaato magacyada askar badan oo naga mid ah inay ku jiraan liiska dadka dhintay”,.
Benny Gantz ayaa isaga yiri “Subax ku adag dhammaan shacabka Israa’iil oo ay ka dhinteen 21 askari, waana mid masiibo ah,. wasiirka gaashaandhigga Yahuudiga lagu magacaabo Yoav Galant ayaa dhankiisa yiri, waa subax aad u adag oo xanuun badan,. wasiirka Maaliyadda ayaa isagana yiri, waa war naxdin leh, wasiirka Amniga Itamar Ben Gvir, oo ka mid ahaa madaxdii u barooratay saraakiisha looga dilay Al-magaazi ayaa isaga yiri, waa subax adag oo xanuun badan, qalbi jabkeedana wadata,
Wasiirka tacliinta maamulka Sahyuuniyadda ayaa isagana yiri, waxaan dareemayaa xanuun aad u daran mana heli karo erayo aan ku muujiyo murugada weyn ee aan dareemayo, sababo ku aadan dhawaqa masiibada xun ee shalay nagu habsatay.