Afhayeenka ciidamada mujaahidiinta Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa si horudhac ah u xaqiijiyay in 191 askari maleeshiyaadka kooxda Riddada looga dilay weeraradii cag-marinta ahaa ee saaka ay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen saldhigyada murtadiinta ay ka samaysteen deegaanka Caad ee wilaayada islaamiga ah ee Mudug.
Maktabka warfaafinta mujaahidiinta ayaa faafiyay qoraal kooban oo uu ku saxiixan yahay afhayeenka ciidamada Sh Abuu Muscab, kaas oo lagu xaqiiiyay khasaaraha horudhac ah, waxaana uu taliska ciidanka mujaahidiinta intaas ku daray in weeraradii cagmarinta ee saaka ka dhacay deegaanka Caad Allaah fadligiis mujaahidiintu ku qaniimeysteen dhamaan gaadiidkii iyo saanaddii ciidan ee taallay shanta saldhig ee ay ka qabsadeen murtadiinta.
Qoraalka taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa u qornaa sidan: Tirada hordhaca ah ee askarta murtadiinta looga dilay weerarka saakay ka dhacay deegaanka Caad ee wilaayada Mudug waa 191 murtad kuwaas oo u badan maleeshiyada murtadiinta ah ee Gorgor. Sidoo kale Mujaahidiintu waxay gacanta ku dhigeen dhamaan gaadiidkii iyo saanadii ciidan ee taallay shanta saldhig ee ay ka qabsadeen murtadiinta”.
La Soco wixii soo kordha.