Waxaa iska soo daba dhacaya wararka bishaaraadka ah ee ka imaanaya wilaayada islaamiga ee Mudug, kaddib markii ciidamada mujaahidiintu aroornimadii hore ee saaka ay ku kalaheen oo ay cagta mariyeen shan saldhig oo maleeshiyaadka Riddada ay ku lahaayeen deegaanka Caad ee wilaayada Mudug.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in weeraradii cagmarinta ee saakay ka dhacay deegaanka Caad, Allaah fadligiis ay ciidamada mujaahidiintu nolasha kusoo qabteen askar ka tirsan maleeshiyaadka Riddada.
Maleeshiyaadkan murtadiinta ee gacanta ay ku hayaan mujaahidiinta ayaa ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta ee saaka lagu jebiyay weerarkii cuslaa ee ay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen saldhigyada Riddada ee deegaanka Caad, firxadka maleeshiyaadka Riddada ee ka baxsaday weerarkaasi ayaana lagu sii sheegayay dhanka xeebta.