Jabhadda kooxda Fallaagada ah ee Fano ayaa sheegatay masuuliyadda weerar ay ku beegsadeen ciidamo daacad u ah ra’iisul wasaaraha dowlada xabashida Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo ka dhacay goobaha ay aadka ugu loollamayaan millatariga iyo maleeshiyaadka Axmaarada.
Warbaahinta taabacsan kooxda Axmaarada ayaa sheegtay inay kaabiga ku hayaan, oo ay ku wajahanyihiin magaalo lagu magacaabo Debre Elias oo ka tirsan Gojjam, halkaas oo ay dagaallo culus ku dhexmarayaan ciidamada daacada u ah Abiy Axmed iyo maleeshiyaadka fallaagada Fano.
Dhanka kale, waxay warbaahinta maxalliga ah ee taabacsan Faano sheegtay in weeraro culus oo ka dhacay gobolka oo ay fuliyeen maleeshiyada kooxda Axmaarada ay ku dileen inka badan 60 askari, waxayna sheegeen in howlgalka lagu dilay askartaasi uu socday ku dhawaad saddex maalmood oo xiriir ah.