Khasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shil aad u xooggan oo ka dhacay jidka wayn ee isku xira magaalooyinka Nairobi iyo Kisumu ee dalka Kenya, halkaas oo badanaa ay ka dhacaan shilalka culus ee dadka badan ku le’daan.
Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa soo warisay in shilkan oo ahaa mid baabuur uu yimid kaddib markii ay isku dhaceen gaari nooca Bus-ka ah iyo mid xamuul ah, waxaana dhacdadan si gaar ah looga soo calaamadiyay degaanka Othoo oo hoostaga ismaamulka Kisumu.
Madaxa ciidanka Taraafikada Kenya ee gobolka Nyanza ayaa warbaahinta maxalliga ah u xaqiijiyay in shilkaas ay ku dhinteen 11 xubnood, halka ay ku dhaawacmeen 53 kale, kuwaas oo dhaawacyadooda la geeyay cisbiyaalka Jaramogi Oginga ee Kisumu.
Saraakiisha boolisku waxay sheegeen in gaariga Buska ah oo kusii jeeday dhanka magaalada Nairobi uu isku dayay in uu ka hor maro gaariga Xamuulka ah, taas oo keentay in uu ku dhaco Xamuulka, shilkana uu sidaas ku dhacay, dadka shilkan ku nafwaayay ayaana la shaaciyay inay isugu jiraan laba haween ah, 8 rag iyo hal ilmo ah.