Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen xero maleeshiyaadka Riddada maamulka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Koonfur galbeed ay kaga suganyihiin xaafadda Ban-khiyaano ee magaalada Baydhaba, halkaas oo askar badan looga dilay murtadiinta.
Khasaaraha dhimasho ee maleeshiyaadka murtadiinta ayaa gaaray 7 xubnood oo murtadiin oo uu ku jiro abaanduule ku xigeenkii maleeshiyaadkaas, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Mad-kuus, waxaaa sidoo kale weerarkaasi Allaah fadligiis ku dhaawacay 9 kale oo murtadiin ah, waxay mujaahidiintu weeeraraasi kusoo qaniimeysteen shan qori oo Ak47 ah oo isugu jira qori PKM ah iyo 4 qori oo AK47 ah, sidoo kale ku dhawaad 40 boosh iyo rasaas tiro aad u tiro badan ayay gacanta ku dhigeeb mujaahidiinta.
Intii uu howlgalkan socday waxay ciidamada mujaahidiintu nolasha ku qabteen hal askari oo murtad ah, kaas oo ka mid ahaa maleeshiyaadka murtadiinta ee weerarka lagu beegsaday, murtadkan ayaana imika gacanta ugu jira ciidanka mujaahidiinta.
Dhanka Banaadir, waxay ciidanka guutada madaafiicda mujaahidiinta Al-shabaab weerar ku qaadeen Xerada xalane oo ah taliska ugu weyn ee saliibiyiintu ku leeyihiin Muqdisho, waxayna madaafiicdu ku dhaceen gudaha xerada.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu qarax la beegsadeen fariisin ay Sarkuusta oo dhacda duleedka Muqdisho kaga suganyihiin maleeshiyaadka Riddada, gaar ahaan kuwa ashahaada la dirirka ah ee ay kooxda Riddada ah usoo carbisay la dagaalanka Xijaabka sharciga ah iyo Niqaabka ay xirtaan Haweenka.
Dhanka Bari, waxay ciidamada mujaahidiintu qarax ay ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ku beegsadeen guri uu magaaladaas ka dagan yahay murtad Cumar Ismaaciil Waabari oo ka tirsanaa Xildhibaannada kooxda Riddada Somalia, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 2 askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa.
Dhanka Baay, waxay ciidanka mujaahidiintu weerar toos ah ku qaadeen deegaanka Awdiinle ee duleedka Baydhaba, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada, sidaas oo kale waxay mujaahidiintu weerareen xero ciidan oo kuffaarta Itoobiya ay kaga suganyihiin degmada Bardaale ee Baay, waxay sidoo kale mujaahidiintu weerar culus ku ekeeyeen fariisinka murtadiinta ee halka loo yaqaan Makuuda ee duleedka Baydhaba.
Goobaha ay sidoo kale, ciidamada mujaahidiintu weerareen waxaa ka mid ah isbaaro maleeshiyada Riddada u tiillay inta u dhaxeeysa Dagaandagga iyo bun-bishaaro ee Baydhaba, mujaahidiintu waxay weerarkaasi ku qaniimeysteen 1 qori, waxaana sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac murtadiinta soo gaaray.