Dhalinyarada ku dhaqan degmada Lughaye oo ka mida dhul xeebeedkii uu Muuse Axmaar siiyay nasaarada xabashida Itoobiya, ayaa isugu soo baxay si ay uga dhiidhiyaan maleeshiyo uu madaxa maamulka Somaliland kusoo daabulay degmadaasi.
Qaar ka mid ah dhalinta ku dhaqan deegaanka Gargaara bari ee hoostaga degmada Lughaye, ayaa warbaahinta kasoo muuqday iyaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan ciidamo uu murtad Muuse Axmaar kusoo guray degmadooda.
Dhalinyaradan waxay sheegeen in maleeshiyaadkan oo gogol xaar u ah fulinta heshiiskii xaaraanta ahaa ee Muuse Axmaar ku bixiyay khayraadka dihan deegaankooda, ay lasoo shir tageen inay aflagaadeeyaan dadka deegaanka, waxayna ugu dambayn wacad ku mareen in aysan taako ka mid ah dhulkooda u oggolaan doonin xabashida.