Ciidanka mujaahidiinta ee ka jihaada Jubbooyinka waxay maanta markale duleedka magaalada Kismaayo ku jabiyeen maleshiyo ka tirsan maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbland, kaddib dagaallo culus oo lala galay maleeshiyaadkaasi.
Dagaaallada lagu jabiyay murtadiinta waxay si gaar ah uga dheceen inta u dhaxeyso deegaannada Buulo-guduud iyo Farwaamo oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo, khasaare kala duwan ayaana maleeshiyada Axmed Madoobe lagu gaarsiiyay, waxayna iyagoo baqacarar ah dib ugu noqdeen deegaanka Buulo Guduud, halka qaarna ay u firxadeen dhanka Kismaayo.
Dhanka kale waxaa faafaahin dheeraad ah laga helayaa dagallllo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay aagga maanta lagu galay maleeshiyada murtadiinta, dhimashada ayaa gaartay 6 askari, halka dhaawacana uu yahay 9 kale.