Xildhibaannada baarlamaanka ee dowladda Itoobiya, ayaa fadhi gaar ah oo ay maanta yeesheen si aqlabiyad leh ugu ansixiyay muddo kordhin afar bilood ah in lagu daro xaalad deg deg ah oo dowladda ay sannadkii hore kusoo rogtay gobolka Axmaarada ee dhaca waqooyiga dalkaasi.
Baarlamaanka dowladda Itoobiya ayaa laga soo xigtay in fadhiga muddo kordhinta lagu sameeyay uu xubnaha hor keenay waziirka cadaaladda ee dowladda, sidaasna ay u ansixiyeen muddo kordhin afar bilood ah oo lagu kordhiyay xaaladda deg degta ah ee dowladdu kusoo rogtay gobolkan dhaca waqooyiga.
Inta badan xubnaha golaha oo boqolkiisa 95 ka tirsan xisbiga uu Abiy hoggaamiyo ee magaciisa loo soo gaabiyo (PP), ayaa ansixiyay muddo kordhinta 4-ta bilood ah, waxaana diiday laba xubnood, halka ay ka aamuseen saddex kale, sida ay sheegtay warbaahinta Itoobiya,
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya, xilli dowladda uu hoggaanka u hayo Abiy Axmed ay wajahayso dagaal millatari oo kaga imaanaya dhanka jabhadda xoraynta dadka Axmaarada ee loo yaqaan Fano, sannadkii tagay ayay dowladdu soo rogtay xaalad deg deg ah oo soconaysa muddo lix bilood ah, taasi oo ka dhaqan gasgat gobolka Ahmara, wallow uu culayska kusii kordhay millatariga.
Warbaahinta deegaanka Axmaaradu waxay go’aankan lagu kordhiyay xaaladda deg deg ah kaddib, sheegtay in 60% ay hadda si rasmi ah gobolka Axmaarada u maamulaan kooxda Fano oo ah awood millatari oo ka dhan ah ciidamada Abiy Axmed, waxayna maalimihii u dambeeyay la wareegeen gacan ku haynta deegaanno iyo magaalooyin ay gacanta ku hayeen ciidanka millatariga.