Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay muuqaal cusub oo lagu soo bandhigayo dibadbaxyo waaway oo ka dhacay wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud ee dhacda bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo bulshada uga dhiidhisay heshiiskii xaaraanta ahaa ee Nasaarada Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah badda Soomaaliya.
Bulshada reer Galgaduud waxay si cad u sheegeen inay kasoo horjeedaan, sidoo kalena qaadanna doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah lagu wareejiyo xabashida Itoobiya, waxayna codkooda ku biiriyeen malaayiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka iyo dibaddiisa ee sida wayn uga dhiidhiyay heshiiskii burcadnimada ahaa ee xabashida lagu siiyay badda Soomaaliya.