Khasaare kala duwan ayaa markale maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland lagu gaarsiiyay dagaallo xooggan oo maanta ka dhacay deegaanno hoostaga magaalada Kismaayo.
Ciidamada mujaahidiintu waxay maanta ka hortageen dhaqdhaqaaqyo ashahaada la dirir ah oo inta u dhaxayso Far-waamo iyo Buulo-guduud ay ka wadeen Riddada, waxaana halkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday 10 askari oo murtadiin ah.
Waa maalinkii 4-aad oo duleedka magaalada Kismaayo lagu jabiyo maleeshiyaadka Riddada maamulka Axmed Madoobe, waxayna maleeshiyaadkan oo jabay dib ugu noqdeen deegaanka Buulo-gaduud, saraakiishii hor boodayayna waxay qaarkood iyagoo firxad ah gaareen magaalada Kismaayo.