Waxay ugu yeeraan dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in labadii saacadoodba ay ilmo yar ku dhintaan xerada lagu magacaabo Zamzam oo ah xero ay dadka kusoo barakaceen oo kutaal gobolka Darfur ee dhaca galbeedka dalka Suudaan.
Kaliir Nikoolih, oo ah madaxa kooxdan, ayaa bayan ay soo saartay ku tiri: “Waxaan ku qiyaaseynaa in ugu yaraan hal canug uu ku dhinto labadii saacadood ba gudaha xerada, taas oo ah, in qiyaastii 13 carruur ah ku dhintaan maalintii”
“carruurtu waxaa hayso nafaqo-xumo ba’an, waxayna ku dhiman karaan 3 ilaa lix toddobaad gudahood, haddii aanay helin daryeel iyo daweyn.” Ayay sii raacisay.
Dhanka kale, wazaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa maanta sheegtay in xoogaga taageerada degdega ah ay jareen isgaarsiinta telefoonnada iyo interneetka qeybo badan oo ka mid ah dalkaasi.
“Dambiyadani waxay saamayn xun ku yeesgeeb xaaladaha dhaqaale iyo kuwa bini’aadannimo, waxayna uga sii dari doontaa dhibaatada joogtada ah ee dadka rayidka ah.” Ayaa lagu yiri bayaanka wazaaradda.