Ciidamo ka tirsan guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Banaadir, waxay howlgal culus oo qarax ah ku beegsadeen, maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Howlgalkan qaraxa oo u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxay ciidanka mujaahidiintu si gaar ah ula beegsadeen fariisin ay deegaankaasi kaga sugnaayeen maleeshiyaad murtadiin ah, gaar ahaan kuwa Riddadu u xilsaaratay la dagaallanka Xijaabka sharciga iyo Niqaabka ay xirtaan haweenka muslimaadka ah.
Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan qaraxa ah ku dhintay laba askari oo murtadiin ah, howlgalkan ayaana qayb ka ah howlgallada ay mujaahidiintu sida gaarka ah ugu ugaarsanayaan maleeshiyaadka kooxda Riddadu u xilsaartay inay la dagaallamaan shacaa’irta islaamka, sida haweenka muslimaadka ah ee xiran xijaabka sharciga ah iyo niqaabka iyo sidoo kale ragga ay sunnadu ka muuqato.