Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta magaalada Muqdisho ku dhexmaray maleeshiyaad ka wada tirsan murtadiinta, xilli magaalada Muqdisho ay kusii xoogeysanaya isku dhacyada hubeysan ee dhexmara maleeshiyaadka xukuumadda Riddada.
Wararku waxay sheegayaan in iska hor’imaadka oo ahaa mid culus uu dhexmaray, laba maleeshiyo oo mid ka mid ah ilaalo u ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Riddada oo lagu magacaabo Cismaan Xaadoole oo dhinac ah, iyo kuwa ka tirsan booliska Riddada iyo kuwa loogu yeero Boolis militaaro oo dhinac ah.
Dagaalka ayaa lasoo wariyay in uu yimid ka gadaal markii maleeshiyaadka booliska Ridada ee degmada Kaaraan iyo kuwa loogu yeero Boolis Militaaro ee Imaaraadku leeyahay ay weerar ku qaadeen guri uu degmadaas ka degan yahay murtad Xaadoole, kaddib markii ay eedayn u jeediyeen ilaalada Xaadoole.
Dagaal in muddo ah socday ayaa halkaas ku dhexmaray labada maleeshiyo ee taabacsan Xaadoole iyo kuwa booliska Riddada, waxaana la wariyay in goobta uu ku dhaawacmay taliye ku xigeenka booliska Riddada degmada Kaaraan, murtad Daa’uud Dalmar.