Ciidanka kooxda jabhadda xoraynta dadka Axmaarada ee lagu magacaabo Fano ayaa sheegtay in dagaallo culus oo ka dhacay deegaanka Debre Zebit oo ka tirsan gobolka Wollo ee hoostaga ismaamulka Axmaarada, halkaas oo ay gacanta ku hayeen ciidamo daacad u ah maamulka Abiy Axmed.
Warbaahinta ku hadasha afka kooxaha hubeysan ee Axmaarada waxay sheegtay in dagaallada ka dhacay deegaanka Debre Zebit ay ciidanka Fano si wayn ugu jabiyeen ciidanka daacadda u ah Abiy Axmed, waxayna sheegeen in sidoo kale intii ay dagaalladu halkaasi ka socdeen ay ciidanka Fano gacanta ku dhigeen hub aad u fara badan.
Dhanka kale, waxay kooxda xoraynta dadka Axmaarada ee Faano sheegtay in dagaallo ka dhacay deegaanka Chagni oo ka tirsan Gojjam ay ku dhishay labaatameeyo ka tirsan ciidanka millatariga Itoobiya, xilli dagaallada u dhaxeeya labada dhinac ay soo xoogeysanayaan.
Labaatan askari ee ciidanka Abiy looga dilay deegaanka Chagni ayaa ku biiraya tobannaan ciidamo ah oo millatariga Itoobiya maalmihii lasoo dhaafay looga laayay gobolka Axmaarada, waxaana dagaaladaas oo mid ka mida ka dhacay deegaanka Minjar Shewa lagu dilay 12 askari, sidoo kalena waxay Fano sheegtay inay ku gubtay saddex baabuur oo ay lahaayeen ciidanka millatariga, dagaalladaas oo saddex maalmood socday ayaa soo dhamaaday 8-da bishan, sida lagu shaaciyay warbaahinta Axmaarada.