Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan mujaahidiinta, ayaa weerar culus ku qaaday deegaan lagu magacaabo Karro oo ka tirsan gobalka Mandheera ee qaybta ka ah dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, halkaas oo ay saldhig ciidan ku leeyihiin ciidanka kuffaarta Kenya.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in ciidamada saliibiyiinta Kenya ay deegaankaasi isaga carareen, kaddib markii ciidamada mujaahidiintu deegaanka dhinac kasoo galeen, cabsi darteed ayayna uga firxadeeen.
Ciidamada mujaahidiintu intii ay howlgalka ku jireen, waxay burburiyeen xarunta shirkadda Safaaricom oo ah shirkad ay leedahay dowladda saliibiyadda ah ee Kenya.