Howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Hodan ee magaalada caasimadda ee Muqdisho, waxay ku beegsadeen guri uu xaafadda Taleex ee degmadaasi ka daggan yahay murtad magaciisa lagu soo koobay Dufle oo ka mid ah Senatorrada aqalka sare ee baarlamaanka kooxda Riddada.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax la beegsadeen guri uu degmada Janaalle ka dagan yahay mid ka mid ah guddoomiye waaxeedyada degmadaasi, kaas oo lagu magacaabo Jeylani Shoobariiste, waxaana la xaqiijiyay in murtadkaasi qaraxa lagu dhaawacay.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu deegaanka Ceelasha-biyaha ee dhaca duleedka Muqdisho qarax xooggan kula beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo lugeynayey, faahfaahin rasmi ah lagam helin qaraxan iyo khasaaraha kasoo gaaray maleeshiyaadka Riddada ee lagu beegsaday.
Dhanka Hiiraan, waxay ciidanka mujaahidiintu howlgal qarax ah oo ka fuliyeen gudaha degmada Jalalaqsi ee dhacda bariga Hiiraan la beegsadeen Control maleeshiyaadka Riddada ay kaga sugnaayeen degmadaasi, waxaana qaraxaasi ku dhintay hal askari oo murtad ah, kaas oo lagu magacaabi jiray Shaafici.