Ciidamada dowladda Maraykanka ee ka howlgala mandiqadda ;pp bixiyay bariga dhexe, ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen shixnado hub ah oo kusii jeeday deegaannada ay maamulaan kooxda Xuuthiyiinta Yeman.
Taliska dhexe ee Milliteriga Maraykanka ee loo yaqaan (Centcom) ayaa shaaciyay in ciidankiisu gacanta ku dhigeen markab hub badan uu ka buuxay oo ay leeyihiin Iiraan, kaas oo kusii jeeday dhanka Xuuthiyiinta, waxayna sheegeen inay ku qabteen badda Carabta.
Markabkan ayay ciidanka Maratkanku sheegeen inay la wareegeen dhammaadka bishii January ee lasoo dhaafay, waxayna intaas ku dareen in markabka uu siday shixnad hub ah oo ka timid dhanka dalka Iiraan oo ku sii jeeday deegaannada Xuuthiyiinta ka maamulaan Yeman.
Hubka kala duwan ee saarnaa markabkaasi ayuu taliska Maraykanku ku sheegay in uu ka koobnaa inka badan 200 oo sanduuq oo isugu jira qaybaha gantaallada, walxo qarxa, qalabka isgaarsiinta, shabakadaha ciidamada, qalabka loo isticmaalo in looga hortago taangiyada, iyo qaybo kale oo milatari.