Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan mujaahidiinta jamaacadda Nusratul islaam wal-muslimiin ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhig ciidan oo ay ku suganyiin ciidamo ka tirsan murtadiinta Burkiina Faaso, halkaas oo tobaneeyo askari lagu dilay.
Weerarkan oo ahaa mid culus ayay mujaahidiintu kala duldhaceen saldhigga (Suugl) ee ka tirsan gobolka Tenkodougu), waxayna mujaahidiintu shaaciyeen inay halkaas ku dileen 12 askari, halka ay soo qaniimeysteen toban qori oo Kalaashinkoof ah iyo hub kala duwan, weerarkan ayaana dhacay 2-dii bishan Shacbaan.
Sidoo kale, waxay mujaahidiintu shaaciyeen xogta dagaallo culus oo u dhaxeeyay mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka dowladda Riddada ah ee Burkiina Faaso, kuwaas oo ka dhacay Nashaboni oo ka tirsan gobolka Fadagorma ee dalka Burkiina, waxaana halkaas murtadiinta looga dilay 15 askari, waxayna mujaahidiintu gacanta kusoo dhigeen 11 qori oo AK47 ah, 2 qori oo BKM ah, qori RPG ah iyo sagaal baalooto oo loo adeegsado, 11 mooto iyo 14 silsilado oo BKM ah iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah.
Isku gaynta guud ee tirada dhimasho ee labadan weerar ayaa ah 27 murtad, dagaallada labaad ee xigay weerarka 1-aad ayaa dhacay saddexdii bishan Shacbaan, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay mujaahidiinta.