Wasiirka arrimaha gudaha ee Imaarada islaamiga Afghaanistaan, Sheikh Siraaju-ddin Xaqqaani, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xaaji Helmandi oo ka mid ah waalidiinta ubadkooda u huray halgankii 20-ka sano socday ee lagula jiray Maraykanka iyo xulufadiisa.
Warbaahinta islaamiga ah ee Imaaradu waxay sheegtay, in Xaaji Helmandi uu lix ka mid caruurtiisa usoo horumaray kolonyada shuhadada, intii uu socday dagaalka ka dhanka ah gumaystaha Mareykanka iyo xulafadiisa.
Sidoo kale, waxay imaaradu soo bandhigtay sawirka Al-waalid Xaaji Helmandi iyo wasiirka arrimaha gudaha ee Imaaraadka islaamiga oo fadhi gaar ah yeeshay, waxay tani qayb ka tahay jalasaad ay masuuliyiinta imaarada islaamiga ah ku qaabilayaan waalidiinta iyo araamisha raggii naftooda u huray halganka jihaadka.