Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Ruushka ayaa maanta shaacisay in ciidamada Ukraine ay ka dileen in ka badan 1,500 oo askari intii ay ciidamada Ruushka gacanta ku dhigayeen magaalada Avdiivka ee dhacda bariga dalka Ukraine, halkaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay dhinacyadu si wayn ugu loollamayeen.
Ruushka waxa uu intaas ku daray in Ukraine tiro badan oo ka tirsan ciidamadeeda millatariga ku waayeen dagaalka ay la galeen ciidamada millatariga Ruushka, kaas oo in ka badan 4 bilood ka socday magaalada Afdiifka, waxay ugu dambayn kusoo dhamaatay in ciidamada Ruushka ay calankooda ka taageen xarunta maamulka magaaladaas iyo warshadda dhuxusha.
Muuqaallo kala duwan oo laga soo duubay gudaha magaalada oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaayay ciidamada Ruushka oo la wareegaya qaybo ka mid ah magaalada, kaddib markii dagaallo la isku riiqmay oo qaatay muddo ka badan 4 bilood oo magaaladaas ku dhexmaray dhinacyada.