Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay muuqaal cusub oo uu kusoo bandhigayo askari towbad keen ah, oo kasoo goostay maleeshiyaadka murtadiinta, kaas oo ka tirsanaa maleeshiyo kooxda Riddadu tabobarka ciidan ugu qaaday dalka Itoobiya.
Askarigaan taa’ibka ah oo lagu magacaabo, Maxammed Cismaan Cali, ayaa muuqaal baahiyaha Kataa’ib u sheegay in uu ka mid ahaa maleeshiyaadkii lagu soo tabobaray dalka Itoobiya, halkaasna ay muddo saddex bilood ah ku qaateen tabobar ciidan, kaddibna ay kooxda Riddadu ku daabushay deegaanno ka tirsan gobollada dhexe, halkaas oo ay si wayn ugu le’deen, wuxuu sheegay inay dayacday kooxdiisa, waliba isagoo dhaawac ah.
Ugu dambayn ayuu sheegay in uu goostay in uu Allaah usoo towbad keeno iskuna soo dhiibo mujaahidiinta, waxa uu ka warbixinaya sida uu usoo dhaweeyay maamulka wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.