Dagaallo la isku noqnoqday oo ilaa laba jeer lagu jebiyay maleyshiyaadka murtadiinta ayaa saaka lasoo wariyay inay ka dhaceen duleedka degmada Halgan ee dhaca bariga wilaayada Hiiraan, dirir iyo dagaallo xooggan kaddib, waxay ugu dambayn ciidamada mujaahidiintu Allaah fadligiis jab xooggan gaarsiiyeen maleeshiyaadkii Riddada.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin halka loo yaqaan, Maaya fuulka oo ka tirsan magaalada Baydhaba, dagaalka ayaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar abaabulan oo toos ah ku qaadeen laba saldhig oo ciidamo ka tirsan Kuffaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin degmada Qoryooley, dagaal in muddo ah socday oo jugtiisa si wayn looga maqlayay meelo fog fog ayaana halkaas ka dhacay.
Waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu, saacadihii lasoo dhaafay weerareen saldhigga maleyshiyaadka Ridada ee buundada deegaanka Sabiid, lama helin faahfaahin ku aadan khasaaraha gaaray maleeshiyaadka Ridada, maadaama uu dagaalku dhacay xilli habeen ah.