Howlgal qorsheysan oo ciidamada mujaahidiinta ay ka fuliyeen xaafadda Gubta ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu khaarajiyay laba askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Ridada. gaar ahaan kuwa la magac baxay (Boolis Militaaro).
Howlgalkan gaarka ah, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu markii uu fulay kaddib ay maleeshiyaadka la dilay kasoo qaniimeysteen laba qori oo ay wateen, kuwaas oo ahaa nooca Ak47, dhanka kale, waxay mujaahidiintu howlgal qarax ah ka fuliyeen gobolka Baay.
Howlgalkan qaraxa ah, waxay ciidamada mujaahidiintu si gaar ah uga fuliyeen goob isbaaro u ahayd maleeshiyaadka Riddada oo kutaal gudaha degmada Bardaale, waxaana qaraxan ku dhintay ugu yaraan hal askari oo lagu magacaabi jiray Aadan Ibdow Meegaag, halka lagu dhaawacay shan murtad oo laba ka mid ah ay dhaawac tahay.