Diyaaradaha saliibiyiinta Maraykanka ayaa duqeymo wuxuushnimo ah kula soo dheelmaday degmooyin ka kala tirsan wilaayaadka islaamiga ah ee Galgaduud iyo Sh/hoose, halkaas oo ay ku beegsadeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Duqaymahan ayaa si gaara uga kala dhacay degmooyinka Galhareeri iyo Kurtunwaarey oo ka kala tirsan wilaayaadka islaamiga ah ee Galgaduud iyo Sh/hoose, duqaynta ayaa geysatay khasaare kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo si ammaan ah u jiifay guryahooda, kaddib markii ay gantaallo ku beegsatay.
Duqeynta ka dhacday degmada Galhareeri ayaanan geysan wax khasaare ah, balse dhanka degmada Kurtunwaarey, waxaa lasoo wariyay inay diyaaraduhu beegsadeen guri ay joogtay hooyo iyo 3 caruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo la xaqiijiyay inay duqaynta ku dhaawacmeen.