Howlgal gaar ah oo rag ka tirsan mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen magaalada Baydhaba ee xarunta maamul goboleedka ashahaada la dirirka ee Koonfur, ayaa lagu beegsaday laguna khaarajiyay xubin ergay ah, sidoo kalena ahaa sarkaal ka tirsanaa maamulka Laftagareen.
Ciidanka mujaahidiintu waxay howlgalkan si gaar ah uga fuliyeen halka loo yaqaan Makuuda oo ka tirsan magaalada Baydhaba, murtadka la khaarajiyay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xawey ayaa ka mid ahaa ergada maamulka Koonfur galbeed, sidoo kalena ahaa sarkaal ka tirsan maamulkaas, waxaana dilkiisa kaddib goobta soo gaaray maleeshiyo kale, kuwaas oo goobta ka qaaday maydka sarkaalkaasi, raggii mujaahidiinta ee howlgalkaa fuliyay ayaana si nabdoon goobta kaga soo laabtay.
Dhanka Banaadir, howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen xaafadda Saybiyaano degamda Hodon ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu beegsaday fariisiin ciidan oo maleyshiyaadka murtadiintu ay kaga sugnaayeen halkaasi, laba askari ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi.