Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah ay afduub kula kaceen kooxaha hubeysan, kaddibna ay si bareer ah u dileen, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa iyo qaar ka mid ah dadkii goobjoogga u ahaa dhacdadan.
Kooxdan oo lagu sheegay burcad, ayaa lasoo wariyay in marka hore ay wiilkaasi dhalinyarada ah kasoo afduubteen degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, waxayna ku afduubteen baabuur uu watay oo noociisa lagu sheegay Surf, waxaana xilliga qafaalka uu dhacayay gaariga la saarnaa wiil kale oo ay walaalo ahaayeen, kaas oo ay iska dejiyeen ka hor inta aysan dilin.
Qof goobjooge ah oo ku sugan deegaanka Garasbaalley ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu maqlayay rassaasta lagu dhuftay qofkan, waxaana maydkiisa ay soo dhigeen Kaxda. ehelladiisu waxa ay sheegeen in wiilkan dhalinyarada ah oo ahaa qof iskiisa u xamaalanayay lagu magacaabi jiray Abuukar Axmed Kaabax. waxay sidoo kale sheegeen inaysan ogayn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilkiisa.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa, xilli maanta maydka Axmed Aadan oo ka tirsanaa baarlamaankii hore ee kooxda Riddada Soomaaliya, kana soo jeeday Somaliland, laga helay Hotel Muqdisho uu ka degganaa, kuna yaalla degmada Xamarweyne.