Sheekh Siraaju-ddiin Xaqaani oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee imaarada islaamiga ah ee Aghanistan ayaa ka qayb galay musnaabad gaar ah oo lagu maamuusayay, caruurta agoonta shuhadada, gaar ahaan kuwa xifdiyay Qur’aanka kariimka.
Munaasabaddan ayaa ka dhacday wilaayada Khoost, ee dhacda Koonfur bari Afghaanistaan, waxaana sheekha uu ka jeediyay kalimad muhiim ah, isagoo munaasabddaasi farxadda kula qaatay ubadka shuhadada ee xifdiyay Qur’aanka kariimka.
Sheekha ayaa sheegay in xukuumadda islaamiga Afghanistan ee ay hogaaminayso imaarada islaamiga ah ay kafaalo qaaday nolasha agoonta shuhadada, kuwaas oo ay waalidiintoodu ku shahiideen halgankii jihaadka ee lala soo galay gumeysteyaashii duullaanka ashahaada la dirirka ah kusoo qaaday dalkaasi, sida gumeystaha midowgii Soofiyeet-ka iyo gumeysigii Maraykanka iyo xulafadiisa Nato ee lagu jabiyay halgankii Jihaadka.
17-kii bishan February ayay ahayd, markii waziirka wazaaradda arrimaha gudaha ee Imaarada islaamiga Afghanistan uu xafiiskiisa ku qaabilay waalid 6 ka mid ah ilmihiisa ay ku shahiideen halgankii jihaadka ee lala soo galay dowlada Maraykanka ee xulafdeeda Nato.