Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay muuqaallo lagu soo bandhigay askar taa’ibiin ah oo isku soo dhiibay maamulka wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan, kuwaas oo kasoo baxay safka maleeshiyaadka murtadiinta.
Muuqaalka koowaad ee taa’ibiintan, wuxuu Channelka wararka ee Kataa’ib kusoo bandhigay laba askari oo Riddada kaga biiray maamulka isku magacaabay Hirshabeelle, waxayna ka sheekaynayaan marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen iyo sida ugu dambayn loogu soo dhaweeyay wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.
Qaybta labaad ee muuqaalladaan oo aad kasoo daawan kartaan linkiga labaad ee aan hoos soo dhignay, waxaa kasoo muuqanaya saddex askari oo taa’ibiin ah, waxayna dhankooda muuqaal baahiyaha Kataa’ib uga warbixinayaan marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen iyo sida uu maamulka islaamiga ah usoo dhaweeyay.