Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay muuqaal cusub oo uu ka diyaariyay heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay kooxda Xassan Gurguurte khayraadka dalka ugu wareejiyay dowladda Riddada ah ee Turkiga, kaas oo ay xarakadu horay u sheegtay in uu yahay heshiis baadhil ah oo aan waxba ka jirin, qaybna ka ah boobka aad geed loogu gamban ee lagu hayo khayraadka umadda.
Filimkan oo ah mid la daawan karo ku dhawaad 14 daqiiqo ayuu Channelka wararka ee Al-kataa’ib kaga jawaabayaa su’aasha ah, heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya- Hiil Mise Hagardaamo?, waxaana lagu falanqaynayaa dhagaraha heshiiskaas iyo hagardaamada uu Turkigu ku hayo umadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.