Isdilka ka dhex dhaca maleeshiyaadka Riddada dhexdooda ayaa marba marka ka dambeysa faraha kasii baxaya, dhacadadii u dambeysay ee ay isku dileen ayaana laga diiwaan geliyay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Maleeshiyada dilkan gaystay ayaa la wariyay inay ka tirsanaayeen kuwa kooxda Riddada kusoo tabobartay Eritrea, askariga ay dileen ayaana ka tirsanaa maleeshiyaadka maamul goboleedka ashahaada la dirirka Hirshabeelle.
Maleeshiyaadka xukuumadda Riddadu ka keentay Eritrea ayaa lasoo wariyay in askariga ay dileen uu si gaar ah uga howlgalayay bar Control oo maamulka Hirshabeelle uu ku leeyahay degmada Balcad, waxayna mar qura huwiyeen rassaas xooggan, kaddib markii uu ka biya diiday inay ka gudbaan bartaasi Control.
Murtadka ay iska dileen maleeshiyaadka ka wada tirsan xukuumadda Riddada ayaa magaciisa lagu sheegay Ciiloow Cadaan Abuukar, 9-kii bishan Febuary ayay ahayd markii maleeshiyaadka lagu soo tabobaray Eritrea ay laba qof oo dhalinyaro shacab ah ku dileen deegaan lagu magacaabo Carafaag oo hoostaga degmada Balcad.