Duleedka magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta, dagaallada oo ahaa kuwa culus oo dhowr jeer la isku noqday ayaa si wayn loogu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta.
Dagaalladu waxay si gaar ah uga dhaceen deegaanada Wirkooy iyo baxar saafka oo wada dhaca duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo khasaare culus oo isugu jira mid nafeed iyo mid maaliyadeed lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka murtadiinta.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu, waxay Andalus u xaqiijiyeen in weerarkaasi lagu dilay 19 askari murtadiin ah oo uu ku jira sarkaal taliye Urur ah, waxay sidoo kale xaqiijiyeen in dhaawaca uu intaas ka badan yahay, waxaa sidoo kale dagaalladaasi ay ciidamada munaahdiintu kusoo qaniimeysteen laba qori oo AK47 ah.