Ciidanka guutada madaafiicda mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Galgaduud ee dhacda bartamaha Soomaaliya, ayaa duqayn xooggan ku miray saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin degmada Ceeldheer, weerarkan ayaana u dhacay sidii loogu talagalay.
Dhanka Banaadir, waxay ciidamada mujaahidiintu qarax culus la eegteen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ku dhintay 3 askari oo murtadiin ah, waxay sidoo kale mujaahidiintu qarax kale ku weerareen fariisin Riddadu kaga suganyihiin xaafada Sarkuusta ee magaalada Muqdisho, khasaare Riddada gaaray ayaana lasoo wariyay.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku mireen saldhig maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta ay kaga suganyihiin degmada Xudur ee Bakool, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujahidiinta ee ka howlgala dhanka wilaayada Sh/hoose, weeraro culus ku ekeeyeen saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta iyo ciidamada Kufaarta Yugaandha ay ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee wilaayada Sh/hoose.
Dhanka kale, faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya, dagaallo xooggan oo toos ah, duqeymo iyo qaraxyo lagu jabiyay maleeshiyaadka Riddada oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaannada Wirkooy iyo baxar saafka oo wada dhaca duleedka magaalada Kismaayo, waxaa Allaah fadligiis halkaas murtadiinta looga dilay 19 xubnood oo ay ku jiraan labo sarkaal oo kala ahaa abaanduulihii ciidanka watay iyo ku xigeenkiisa, abaanduulaha ayaana la oran jiray Mahad Cabdullaahi Salaad, ku xigeenkiisa lala dilayna waxaa lagu magacaabi jiray Asad Khadar Maxamuud, dhaawacyada murtadiinta waxay gaareen 13 xubnood, waxay sidoo kale mujaahidiintu soo qaniimeysteen laba qori oo AK47 ah iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah.