Kulan u dhaxeeyay xildhibaannada maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland oo maanta ka qabsoomi lahaa xarunta golahaasi, ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo sawaxan, kaddib markii uu khilaaf ka dhex curtay qaar ka mid ah xildhibaannada maamulkaasi iyo guddoonka golaha.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gacan ka hadal dhexmaraya xildhibaannada Riddada ah ee maamulkaasi, qaar ka mid ah xubnaha xildhibaannada ayaa sheegay in laga hor istaagay mooshin ay doonayeen inay golaha horgeeyaan.
Waxay warbaahinta u sheegeen in laga hor istaagay mooshin ay soo diyaariyeen 30 ka mida xildhibaannada, kulankii maanta xarunta golaha dawaaqiidda maamulkaasi ka dhacay ayay ku sheegeen in ahaa mid fowdo ah, uuna u xirnaa guddoonka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada, xildhibaano gaar ah ayay tilmaameen in qol lagu xirtay, ayna halkaas ku ansixiyeen wax aan loo dhamayn.
Ma ahan markii ugu horraysay oo uu buuq iyo gacan ka hadal ka dhex dhaco golaha dawaaqiida maamul goboleedka ashahaada la dirirka Somaliland, waxaya badanaa warbaahintu soo tabisaa in kulamo ay lahaayeen xildhibaannada maamulkaas iyo kuwa kooxda Riddada Somalia buuq iyo sawan uu hareeyay laguna kala kacay.