Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala gobolka Bari ayaa howlgallo kala duwan ka sameeyay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalkaasi Bari, kaas oo qayb ka ah howlgallada millatari ee ay ciidamada mujaahidiintu ka wadaan gobollada dalka.
Ciidamada mujaahidiintu, waxay Allaah fadligiis intii ay howlgalkooda ku jireen la wareegeen Controlka magaalada Boosaaso, halkaasi oo maleeshiyada murtadiinta ay ku dhibaatayn jireen dadka muslimiinta ah si gaar ah socotada.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in sidoo kale ciidamada mujaahidiinta weerar ku qaadeen isbaarooyin maleeshiyaadka maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Puntland u yiillay gudaha magaalada Boosaaso, waxaana lasoo wariyay inay jiraan khasaare xooggan oo soo gaaray murtadiinta.