Ciidamada gumeystaha Yahuudda, ayaa halkooda kasii wada beegsiga ka dhanka ah dadka abriyada ah ee ku dhaqan marinka Gaza, duullaanka iyo xasuuqyada aan kala sooca lahayn ee uu maamulka sahyuuniyaddu ka wado marinkan ayaana soconaya bishiisii lixaad oo xiriir ah.
Maanta oo ku beegnayd shanta bisha barakaysan ee Ramadan, duullaanka Yahuudda ee Gazana uu galay maalintiisii 162-aad, ayay Yahuuddu gaysteen 7 xasuuq oo cusub, kuwaas oo ay ku beegsatay dhowr guri oo ay deganaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, wazaaradda caafimaadka ee marnka Gaza, waxay sheegtay in xasuuqyadaan ay ku shahiideen inka badan 60 xubnood, halka ku dhawaad 100 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badan haween iyo caruur.
Dhanka kale, kooxaha wax iska caabinta Falastiin waxay sheegeen inay dileen 4 askari oo ka tirsan Yahuudda, Waxay sidoo kale muqaawamadu sheegeen inay beegsadeen 6 taangi oo ay wateen ciidamada sahyuuniyiinta iyo mid ka mid ah gaadiidka xamuulka ah, xilli ay marayeen Gaza iyo Khan-yoonis.
Sidoo kale waxay kooxaha wax iska caabintu sheegeen in dhowr askari oo ka tirsan ciidanka Yahuudda ay ku dileen, sidoo kalena ku dhaawaceen manaadiqda dhaca bartmaha marinka Gaza.