Diyaarada dowladda Riddada Turkiga, ayaa duqayn wuxuushnimo ah ku miray dad rayid ah oo xilliga ay diyaaraddu ku beegsanayeen tukanayay salaadda Taraawiixda, duqayntan wuxuushnimo ayaana ka dhacday degaanka Baghdaad ee hoostaga degmasda Afgooye ee wilaayada Sh/hoose.
Inta la xaqiijiyay waxaa duqayntaan wuxuushnimo ku geeriyooday 18 qofood oo shacab ah kadib markii ay diyaaradaha Turkigu dadkaasi ku beegsadeen tuulada Baghdaad ee dhacda duleedka degmada Afgooye ee Sh/hoose, Diyaarad nooceedu yahay Bayraktar TB2 oo ay leedahay dawladda Turkey ayaa ugu horeyn gantaal ku dhufatay masaajid kuyaal tuulada Baghdaad halkaas oo ay dadku Taraawiix ku tukanayeen.
Duqaynta masaajidka kadib, dadkii kasoo badbaaday duqaynta oo u soo cararay dhanka gudaha tuuladaasi ayay mar kale gantaal labaad ku dhufatay diyaaradda, Dhimashada inta la xaqiijiyay waa 18 qofood oo 7 ka mid ah ay caruur yihiin iyo 6 dumar ah, dhaawucuna waa 12 kale.