Waxaa la baahiyay muuqaallada iyo sawirrada xasuuqii diyaaradaha dowladda Riddada ah ee Turkigu ay ka gaysteen deegaanka Baghdaad ee hoostaga degmada Afgooye ee wilaayada islaamiga Sh/hoose, halkaas oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu ku dileen 18 qof oo rayid ah oo 7 kamid ah ay caruur yihiin iyo 6 dumar ah, halka sidoo kalena ay dhaawac u gaysteen 12 kale.
Muuqaallada la baahiyay ayaa muujinaya maydadka dadka rayidka ah, kuwaas oo qaarkood la dilay iyagoo u taagan oo tukanaya salaaddii Taraawiixda, halka kuwa kalena la xasuuqay iyagoo ku sugan gudaha deegaanka Baghdaad kadib markii ay kasoo badbaadeen duqaynta masaajidka ka dhacday,
Dhanka kale, waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, Sheekh Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay xasuuqa uu Turkigu ka gaystay deegaanka Baghdaad ee ay lagu dilay dadka rayidka ah.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Mid Ka Mid Ah Odayaasha Deegaanka Oo Ka Warbixinaya Sida Wax U Dhaceen.
Halkan Ka Dhagayso Kalimadda Waaliga Sh/hoose.
Halkan Ka Daawo Sawirrada.