Dagaallo culus oo inka badan 4 jeer lagu jabiyay maleeshiyada Riddada ayaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Xarardheere ee ka tirsan wilaayada islaamiga ah ee Mudug, halkaas oo si wayn loogu laayay maleeshiyada Riddada.
Dagaalka ayaa markii hore ka billowday halka loo yaqaano “Bacaadka Faarax Aadan” ee dhaca duleedka magaalada Xarardheere, waxaana markii dambe dagaalka uu gaaray afaafka hore ee magaalada Xarardheere, kaddib markii murtadiinta dagaalka lagu soo jabiyey.
Tirada horudhaca ah ee khasaaraha murtadiinta dagaalladaasi ku gaaray waa 30 murtadiin ah, kuwaas oo dhimasho dhaawac ku noqday dagaalladii xoogganaa ee maanta ka dhacay duleedka magaalada Xarardheere.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahudiintu maanta dagaalladii dhacay gacanta kusoo dhigeen tiro maxaabiis ah oo ka tirsan murtadiinta, kuwaasi oo hadda gacanta mujaahidiinta ku jira.