Ciidamada guutada madaafiicda mujaahidiinta Al-shabaab ee ka jihaada wilaayada islaamiga ee Jubada hoose, ayaa weerar culus oo madaafiic ku qaaday saldhig ciidan oo maleeshiyaadka maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Jubbaland ay kaga suganyihiin deegaanka Baarsanguuni ee dhaca duleedka Kismaayo.
Howlgalkan madaafiicda ah ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxayna mujaahidiintu ku dhufteen gudaha xerada, wali xog rasmi ah lama helin oo ku aaddan khasaaraha murtadiinta kasoo gaaray weerarkaasi, waana mid ka mid ah weerarada ay mujaahidiinta Jubbada hoose ku beegsanayaan maleeshiyaadka Axmed Madoobe ee ku sugan Baarsanguuni.
Weerarkan madaafiicda ah ee ay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga murtadiinta ee deegaanka Baarsan-guuni ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu weerar qarax ah oo ay ka fuliyeen suuqa xoolaha degmada Buulo-mareer ay ku dileen sarkaal murtad ah oo lagu magacaabi jitay Jamaal Ilyaas, halka ay sidoo kale dhaawaceen laba askari oo kale.