Sheekh Xasan Abu Xamza oo ah waaliga wilaayada islaamiga Mudug, ayaa waraysi qadka Taleefanka ah oo uu siiyay idaacadda islaamiga Andalus kaga warbixiyay dagaallo xooggan oo lagu laayay maleeshiyaadka murtadiinta, kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Xarardheere gaarayna gudaha magaaladaasi.
Waaliga ayaa ugu horrayn faahfaahiyay dagaalladaas, isagoo sheegay in dagaalladaasi ay ciidamada mujaahidiintu la galeen maleeshiyo murtadiin ah oo isugu jira kuwa ashahaada la dirirka ah ee uu qoor qabadka ku keenay murtad Gurguurte iyo kuwa kale oo mooryaan ah, khasaare laxaad lehna lagu gaarsiiyay.
Sheekh Xasan Abu Xamza ayaa dhanka kale ka warbixiyay deegaanno iyo degmooyin fara badan oo ay isaga carareen maleeshiyaadka murtadiinta, kaddib markii ay soo wajahday cabsi xooggan.