Ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Banaadir, ayaa howlgal xooggan oo qarax ah la beegsaday gaari ay wateen saraakiil Turki ah, kuwaasi oo marayey duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Qaraxan oo si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaan tabeellaha “Sheekh Ibraahim” ee dhaca duleedka Muqdisho ayaa Allaah fadligiis lagu dilay 2 sarkaal oo Turki ah, halka sidoo kalena ay la dhinteen 5 askari oo murtadiin ah oo ilaalo u ahayd saraakiisha Turkida.
Waxaa sidoo kale howlgalkaasi qarax ah ku dhaawacmay 2 sarkaal oo kale oo Turki ah, kuwaas oo dhaawacyadoodu yihiin kuwa garaab ah, waxaana goobta ku burburay gaariga ay saraakiishaasi la socdeen ee qaraxa lala eegtay.